XOG: Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaanyo iyo Hakad ku yimid shirkii maamul dhisida Jubaland
Wararka ka imaanaya Magalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in shirkii maamul u dhisida jubbaland hakad ku yimid kadib markii beelaha Somaliyeed ee Jubbaland ku dhaqan hoolkii shirka faaruqiyeen marka laga reebo Beesha Absame & Gen Gabre oo ayagu qaybinayey xildhibanada Barlamanka Jubbaland.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Beesha Bbsame oo ayadu qaybinaysay xildhibanada Baarlamanka ay qaateen tiradii ugu badnayd ee xildhibanada jubbaland kadib markii ay samaysteen Degmooyin been abuur ah, isla markaasna ay kuraas ka boobeen Degmooyin aysan degin. Degmooyinka been abuurka ah ee ay kuraasta ku qaateen waxaa ka mida:
- Tuullo Xagar oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku qaateen 4kursi, iyagoo ka dhigtay Degmada.
- Tuullo Salagle oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku qaateen 4kursi, iyagoo ka dhigtay Degmada.
Labadaan tuullo oo ay Degmooyinka ka dhigteen midkoodna degmo ma ahyn, hadii lagu noqdo Tastuurka Dowlada Federalka Somaliyeed mana ku jiraan degmooyinka 18gobol ee lagu heshiiyey Dastuurkana saldhiga looga dhigay.
Waxaa kaloo loo baahanyahay in la fahmo State kasta isaga dhexdiisa waa samaysankaraa degmooyin iyo gobolo intaba laakiin waxaa loo baahanyahay in Process loo maro oo kadib markii Stateku dhismo, Golaha fulinta ee Statekaasi isku raacaa meshii ay Degmo ama Gobol ka dhigayaan kadibna Baarlamanka Stateka loo gudbiyaa kadibna barlamanku ansixiyaa sidaas ayey degmo ama gobol ku noqonkartaa.
Hadaba waxaan is weydiin mudan labadaan Degmo hadaysan degmooyinkii 18 Gobol ee somalia kamid ahayn Processka Stateka looga baahan yahayna aan la marin sidee bay degmooyin ku noqon karaan oo beel ka mida beelaha jubbooyinka wada dega keligeed ugu qaadan kartaa 8 sideed Xildhibaan?
Waxaa kaloo isweydiin mudan sidee ku dhici kartaa in Beel ka mida Beelaha Soomaliyeed ee Jubooyinka wax ka dega keligeed wax ugu qaybin kartaa Beelaha kale oo dhan ayadoo qaar ka mida Beesha ay IGAD iska dhigayaan?.
Tusaale Mohamed Abdi Afay oo isagu sheegta inuu IGAD wakiil u yahay laakiin xaqiiqdu tahay inuu Kenya danaheeda iyo danaha Beeshiisa meesha u joogo, wuxuu ka soo jeedaa Beesha Absame oo ayadu wax qaybinaysa wuxuuna ku shaqaynayaa ilaalinta danaha reerkooda.
Warar lagu kalsoonyahay oo Puntlandes heshay waxay sheegayaan shalay markuu soo degay wuxuu beesha Harti ka faramaroojiyey laba kursi mid ka mida wuxuu siiyey beeshiisa Absame, Ogadeen Bahgeri waana kursigii Hartiga ee Degmada Jamaame.
Kursiga labaad wuxuu ka qaatay isla beeshaas Harti Degmada Kismayo oo markii hore Beesha Harti ka heshay 4kursi ka dibna isagaa shalay markuu yimid ka tiray oo ku qoray Absame/ogadeen.
War lagu kalsoonyahay oo Puntlandes ka heshay Degmada Kismaayo waxay sheegayaan in dhaman beelihii Somaliyeed ay isaga baxeen shirkii, qolo walbaana ay doonayso sidii ay deegamadoodii ugu laaban lahayd inkastoo dadaal arintaas lagu baajinayo ay beesha Absame wado.
Beesha Absame ayaa labadii sano ee ugu dambaysay waxay deegamada Jubbada Hoose waxay ka waday xasuuq boob iyo dhac aan loo aabayeelin kuwaas oo u jeedada ay ka leeyihiin dadka deganku ku wareersanayeen, laakiin maanta ayey dad qabailada somaliyeed ee jubbaland ku dhaqan fahmeen sababtii saxuuqa barakicinta iyo boobka loogu sameeyeynayey ay ahayd in dhulka laga barakiciyo si xuquuqdooda loo dhaxlo.
Wixii war ah ee ku soo kordha arinta Kismaanyo kala soco Puntlandes.com
Puntlandes.com