Xisbiga Waddani oo hogaaminaya 5 Gobol oo lagu dhawaaqy natiijada codadka Xildhibaanada Golaha Wakiilada

04 June 2021 (Puntlandes) Dootrashadii Golaha Wakiilada ee Isniintii looga dareeray Somaliland oo wali ay socoto tirinta codadka ayaa  5 Gobol waxaa lagu dhawaaqy natiijada codadka Xildhibaanada Golaha Wakiilada sida ay sadexda xisbi u kala heleen.

markii guddiga doorashadu ay ku dhawaaqeen waxaa hogaaminaya Xisbiga Waddani ee mucaaradka ah, wuxuuna helay 24 kursi halka uu kaalinta 2aad ku jiro xisbiga Kulmiye oo haysta 22 kursi iyo UCID oo isna helay 16 kursi.

Golaha Wakiilada ayaa ka kooban 82 kursi waxaana ilaa iminka lagu dhawaaqay 62 kursi oo ay ku soo baxeren rag uun, halka ay dhiman yihiin 20 kursi oo uu leeyahay gobolka Maroodijeex ee caasimadda Hargaysa.

Gobalada Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Awdal iyo Saaxil ayaa waxaa loo kala helay sidaan:

  1. Xisbiga Waddani : 24 Xildhibaan
  2. Xisbiga Kulmiye : 22 Xildhibaan
  3. Xisbiga UCID: 16 Xildhibaan

 

Natiijada Hor Dhaca Ah Ee Golaha wakiilada gobolka saaxil

  1. Xisbiga Waddani : 3 Xildhibaan
  2. Xisbiga Kulmiye : 4 Xildhibaan
  3. Xisbiga UCID : 3 Xildhibaan

 

Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada Gobalka Awdal

  1. Xisbiga Waddani : 5 Xildhibaan
  2. Xisbiga Kulmiye : 5 Xildhibaan
  3. Xisbiga UCID : 3 xildhibaan

 

Natiijada Golaha Wakiillada gobolka Togdheer.

  1. Waddani : 7 Xildhibaan
  2. Kulmiye : 4 Xildhibaan
  3. UCID : 4 XIldhibaan

 

Natiijada Hor Dhaca Golaha Wakiillada gobolka Sanaag

Waddani 5 Xildhibaan

Kulmiye 4 Xildhiban

UCID. 3 Xildhibaan

 

 

Natiijada Doorashada Golaha Wakiilada Gobalka Sool Oo Lagu Dhawaaqey

  1. Xisbiga Waddani : 4 Xildhibaan
  2. Xisbiga Kulmiye : 5 Xildhibaan
  3. Xisbiga UCID 3 Xildhibaan

About The Author