Galmudug, Hirshabelle iyo KG oo caga jiidaya soo gudbinta liiska guddiyada doorashooyinka
05 June 2021 (Puntlandes) Dawlad goboleedyada hgacansaarka la leh madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ka caga jiidaya inay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaaraha liiska guddiyada doorashooyinka.
Puntland iyo Jubaland oo hore loogu eedeeyay inay doorasho diid yihiin, oo aysan magacaabin Guddiga doorashada in muddo ahna ay ka caga jiidayeen intii uu jiray khilaafkii ka taagnaa doorashada ayaa ayaa markii uu dhacay saxiixa heshiiskii doorashada 27 May 2021 waxay maalmo kaddib gudbiyeen liiska guddiyada doorashooyinka.
Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaan weli soo gudbin liiska Guddiga ku matalaya doorashada, iyadoo saddexdan Dowlad Goboleed ay ahaayeen kuwii u horreeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixii 17 September 2020.
Waqtigii loo qabtay in lagu saxo liiska guddiyada doorashooyinka ayaa soo dhamaatay iyadoo weli aan xal laga gaarin guddiyada doorashooyinka waxayna taasi sababi kartaa in heshiiskii 27 may ee ahaa in lagu qabto doorashada muddo labo bilood gudaheed ah aysan suurtogelin.
Warar hoose ayaa oo soo baxaya ayaa sheegaya in wali Farmaajo Mindida daabkeeda hayo uusanna doonayn in la saxo liiska, waana taas sababta ay guddigii uu u saaray RW Rooble u shaacin waayey liiska shaqasiyaadkii dacwada laga soo gudbiyey in laga saarayo iyo in kale.
Puntlandes.com