Sawirro: Deegaanka Dudun oo uu diyaar ku yahay qalabkii lagu qodi lahaa Ceel Biyood deegaanka looga hirgalinayo si isku Tashi Bulsho ah

05 June 2021 (Puntlandes) Deegaanka Dudun (Dudun-Barwaaqo) ee degmada Galxamur ee gobolka Doollo DDS Itoobiya ayaa waxaa iminka diyaar ku ah qalabkii lagu qodi lahaa Ceel Biyood deegaanka looga hirgalinayo si isku
Tashi Bulsho ah.

Riiggii iyo qalabka ayaa soo gaaray Dudun-Barwaaqo shalay, maantana waxaa lagu rakibay goobtii loo calaamadiyey in laga qodo Ceelka, waxaana la qabanayaa berri oo Axad sh taariikhduna ay tahsy 6da june 2021 haddii Allah idmo munaassbad ballaaran oo lagu daah-furayo bilowga qodidda Ceelka.

Ceelkaan oo horay loo sahamiyey ayaa sida qorshuhu yahay waxaa hoos loo qodayaa 200m, waxaa la rajaynayaa haddii Allah idmo in lagu soo gabagabeeyo 4 ilaa 5 cisho.

Mid ka mid ah waxgaradku ku hawlan uruurinta dhaqaalaha lagu qodayo Ceelka oo la hadlay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxa uu u mahadceliyey dhamaan dadkii kasoo shaqeeyey iyo kuwii dhaqaalaha ku bixiyey hirgelinta Ceelka, wuxuuna Allah uga baryay intii kasoo shaqaysay oo waqti gelisay iyo intii dhaqaale ku bixisay inuu Allah ka aqbalo sadaqadaas.



Puntlandes.com

About The Author