Natiijada doorashada ee Hargaysa oo lagu dhawaaqay

06 June 2021 (Puntlandes) Waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashadii golaha deegaanka degmada Hargeysa ee caasimada Somaliland, oo saacadihii u dambeeyay si weyn loo wada sugayay.

Natiijada degmada Hargeysa ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee degmooyinka si horudhac ah loo shaaciyo, maadama degmooyinka iyo gobolada kale ee Somaliland lagu dhawaaqay natiijooyinkii horudhaca ahaa ee golayaasha deegaanka.

Saddexd Xisbi ayaa waxay golaha deegaanka  degmada Hargeysa u kala heleen sidaan:

Xisbiga Waddani: 7 kursi

Xisbiga Kulmiye: 6 kursi

Xisbiga Ucid: 4 kursi.

Saddexda xisbi oo si weyn ugu loolamay magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaanka u haya oo ku guulaystay xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, isagoo sidoo kslena hogaaminaya kursasta ilaa iminka lagu dhawaaqay ee golaha Wakiilada.

Puntlandes.com

About The Author