Somaliland: Natiijada Doorashada ee golaha Wakiilada ee gobolka Maroodi-Jeex

06 June 2021 (Puntlandes) Natiijada doorashada golaha Wakiilada Somaliland ee gobolka Maroodi-Jeex ee ahaa gobolkii ugu dambeeyay ee Golaha Wakiillada koobanna kooban 20 kursi ayaa loogu dhawaaqay.

waxay sadexda Xisbi u kala heleen sidaan:
Kulmiye: 8 kursi

Waddani: 7 kursi

Ucud: 5 kursi.

Xubnaha ku guuleystey kuraasta ayaa waxa ka mid ah Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo xisbiga Wadani ka tirsan,Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax oo ah abwaan caan ah oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

Guud ahaan kuraasta Wakiilada cusub ee Somaliland ayaa waxaa ku guuleytey rag iyadoo aan la dooran dumar aysana golaha xubino ku lahayn.

About The Author