Muuqaal: Guddiga Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed iyo Federaal oo 34 xubnood laga saaray

06 June 2021 (Puntlandes) Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Guddiga ayaa sheegay in xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib ay saameen ku yeesheen eedeentii la soo jeediyay ayna u kala direen maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaarkood laga soo magacaabay.

Dhawaan ayeey aheed markii midowga musharaxiinta iyo Gudoomiyayaasha Labada Aqal ay soo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen oo ay la haayeen waxay katirsanyihiin dowladda ciidanka iyo qaar siyaasisiina ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheen.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas xubnood ee uu guddigu soo gudbiyay.


Puntlandes.com

About The Author