Sawirro: Mashruuca naqshada iyo dhismaha 85km oo kamida laamiga Gaalkacyo iyo Garowe oo la daahfuray
06 June 2021 (Puntlandes) Wasiir Wasaarada Howlaha Guud iyo Gaadiidka dawladda Puntland ayaa daahfuray Naqshadayta, Sahminta iyo Dhismaha 85km oo kamida Laamiga isku Xira Magaalada Garowe iyo Gaalkacyo, kaas oo ay maaligalinayaan Bank horumarinta Afrika iyo Midowga reer Yurub.
Daahfurkan ayaa waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Wasaarada Howlaha guud ee Dowlada federaalka Somaliya, Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Agaasimaha Warfafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Maamulka Gobolka Mudug, Ingineero ka socda Shirkada Dhisaysa Laamiga ee (AIC), Ganacsato iyo Nabadoono.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Waxaan soo dhawaynaynaa Masuuliyiinta ka socda Wasaarada Howlaha guud ee DFS oo Wasaarada Howlaha guud ee Dowlada Puntland soo marisay mashruuca dhismaha 85 km oo kamida laamiga isku Xira Gaalkacyo iyo Garowe kaas oo ka bilaabanaya Bartanka Magaalada Gaalkacyo waan idin soo dhawaynaynaa waana idinla garab taaganahay wax kasta oo aad nooga baahataan”
Dhamaan martisharaftii waxay aad u soo dhaweeyeen mashruucaan oo muhiimad gaar ah u leh dib-udhiska Magaalada Gaalkacyo, Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.