Daawo muuqaal: Barkhad Jama oo umahadceliyey shacabkii u codeeyey fariina culusna u diray dadkiisa la haybsooco

06 June 2021 (Puntlandes) Xildhibaanka la doortay Barkhad Jama Batuun oo shacabka magaalada Hargaysa ay cod aad u faro badan ugu doorteen golaha wakiilada Somaliland ayaa u mahadceliyey shacabkii u codeeyey iyo madaxda Xisbiyada.


Sidoo kale Barkhad ayaa fariina culusna u diray dadkiisa la haybsooco una tilmaamay in la galay waqti cusub oo uu furmay albaan cusub una baahan in laga faaiidaysto.

Barkhad Jama Batuun ayaa qoraalka ku yiri ”Maanta deyrarki dulmiga dumay, dunida iyo dalkaba waa lagaga diirsaday doorashadeeni. Dadkayga Gabooye ee Gobta ah waxa aan leeyahay meel Somalilandnimo ka yar ha yeelina, Mucjisa dhacday Hayb-sooc iyo laga tiro badan yahay ma jirto maanta Idinka ugu laandheeraysan laanta. dalkan iyo dadkanba idinka leh, Muwaadiniin dhab ah ayaad tihiin, Somaliland ayaa Madaxa idin saartay ee idinkuna Madaxa saarta.”


Puntlandes.com

About The Author