Sawirro: Dudun-barwaaqo oo laga bilaabay qodida Ceel Biyood
06 June 2021 (Puntlandes) Deegaanka Dudun-barwaaqo ee degmada Galxamur ee gobolka Doollo DDS Itoobiya ayaa maanta oo Axad ah bishuna ay tahay 6da june 2021 waxaa laga bilaabay qodida Ceel Biyood deegaanka looga hirgalinayo si isku tashi Bulsho ah.
Munaasabada si heer sare loo soo agaasimay oo lagu daah-furayey bilaabashada qodida Ceelka ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha degmada Galxamur, qaybo ka mida maamulka degmada, nabadoono, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaankaas.
Dhamaan dadkii munaasabadda ka hadlay ayaa waxay soo dhaweeyeen in Ceel laga qodo deegaanka waxay u duceeyeen dadkii dhaqaalaha ku bixiyey iyo dadkii ka soo shaqeeyeyba, waxayna hoosta ka xariiqeen inuu Ceelku yahay horumar ballaaran oo deegaanku ku soo kordhay ayna ilaashanayaan.
Ceelkaan ayaa sida qorshuhu yahay waxaa hoos loo qodayaa 200m, waxaa la rajaynayaa haddii Allah idmo in lagu soo gabagabeeyo 5 ilaa 7 cisho.
Dudun-barwaaqo waxay dhanka waqooyi ka xigtaa degmada Bursaalax 30km, waana deegaan xooluhu aad ugu badan yihiin.
Mid ka mid ah waxgaradku ku hawlan uruurinta dhaqaalaha lagu qodayo Ceelka oo la hadlay Warbaahinta Puntlandes ayaa waxa uu u mahadceliyey dhamaan dadkii kasoo shaqeeyey iyo kuwii dhaqaalaha ku bixiyey hirgelinta Ceelka, wuxuuna Allah uga baryay intii kasoo shaqaysay oo waqti gelisay iyo intii dhaqaale ku bixisay inuu Allah ka aqbalo sadaqadaas.