Dawladda Puntland oo fasaxday xanibaada lacagta telefonada la isugu ee $ 1 dollar wixii kayar

12 June 2021 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa fasaxday xanibaada lacagtii telefonada la isugu diro kaasoo hadda kahor lagu joojiyay $ 1 dollar wixii kayar inaan telefonada gacanta laga diri karin gudaha magaalooyinka waaweyn ee aan ku oolin xuduudka kadib go’aamo bilo kahor ay soo saartay dowladdu.

Shir jaraaiid oo ay goordhawayd wada qabteen Wasiir kuxigeenka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame iyo Agaasimaha Bangiga dowladda Puntland Maxamed Faarax ayaa lagu shaaciyay fasixida lacagta iyo go’aanka dowladdu ku shaacisay in xayiraadii laga qaaday lacagta falisyadda ama ka dirida lacagaha cadadkoodu ka yar yahay $ 1 dollar.

Wasiir Qawdhan ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ganacsato ku sugan Puntland oo iska-qubay Lacag shilin Soomaali ah oo duugowday, islamarkaana dano siyaasadeed oo gaar ah ula jeeday tallaabadaas.

Dhanka kale Qawdhan ayaa sheegay in lacagta Shilin Soomaaliga ah laga isticmaalo magaalooyinka Puntland, xilli aysan jirin Lacag Shilin Soomaali ah oo ka shaqaysa gudaha Puntland.

About The Author