Sawirro: Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug o degmada Bursaalax ka wada Ololaha qaadista cashuurta Gaadiidka.

12 June 2021 (Puntlandes) Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee gobolka Mudug ayaa degmada Bursaalax ka wada Ololaha qaadista cashuurta Gaadiidka.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug Maxamuud Cabdullaahi Kadawa ayaa baaq u jeediyay gaadiidleyda degmada Bursaalax.
Wuxuu ugu baaqay in gaadiidleyda degmada iyo kuwa safarka ku mara deegaanka ee aan bixin cashuurta ku waajibtay inay iska bixiyaan cashuurta dowladda.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa horay ku baaqay in laga sameeyo gobolada Puntland oo dhan kor u kac dhanka dakhliga ah si dowladu u gudato waajibaadkeeda shaqo , bulshadana wax ugu qabato.


Puntlandes.com

About The Author