Maxkamadda sare ee Ciidamada Puntland oo17 ka mid ah Alshabaab ku xukuntey dil toogasho ah

14 June 2021 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee Ciidamada Dowladda Puntland waxa ay maanta magaalada Galkacyo uga dhawaaqeysaa xukunka ugu danbeeyey ee 18 ka mid ah Ururka Argagixisada ah ee Alshabaab kuwaas oo horey Maxkamadda koowaad ugu soo xukuntey dil toogasho ah.


Maxkamadda sare ayaa dil toogasho ah ku xukuntey 17 nin oo dhammaantood ka tirsan ururuka Alshabaab halka Cabdirisaaq Axmed Buraale lagu xukumey Xabsi cimriga haku furto ah.

Raga toogaashada lagu xukumey ayaa 5 kamid ah ay yihiin Horjoogayaashi ugu sareeyey ee go’aamin jirey Dilalka iyo Qarxyada magaalada Gaalkacyo, 12 kale ayaa ahaa kuwi dilalka fulin jirey magaalada.

Saddaxdii toddobaad ee la soo dhaafey ayaa Maxkamadda sare u fadhidey dhageysiga Xukunki Racfaan qaadashada, maanta ayaa Maxkamaddu shaacin doontaa go’aanka Maxkamadda sare.
Ilaa 7 Qareen oo kala duwan oo qaar kamid ah ka yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa u doodayey xukumanayaasha.

Amnaanka Magaaladda guud ahaan waxaa gacan bir ah ku haya ciidamadda kala duwan ee Dowladda Puntland.

Puntlandes.com

About The Author