Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga dib u habeynta nidaamka Warbaahinta Dowladda Puntland oo ka kooban khuburo Warbaahineed

14 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Guddiga dib u habeynta nidaamka Warbaahinta Dowladda Puntland oo ka kooban khuburo Warbaahineed.

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay guddiga warbixin ku saabsan dib u habeynta warbaahinta Dowladda iyo talo-soojeedintooda la xiriirta sidii kor loogu qaadi lahaa hannaanka Warbaahineed ee Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade iyo Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdisalaam Siciid Faarax.


Puntlandes.com

About The Author