Sawirro: Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo booqasho ku tagay xarumo Wasaarado Puntland
21 June 2021 (Puntlandes) Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta booqasho ku tagay qaar ka mid ah xarumaha wasaaradaha Dowladda Puntland.
Safiirka ayaa booqday wasaaradda Arimaha gudaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Deegaanka, Beeraha iyo isbadalka Cimilada, Caafimaadka iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Safiirka ayaa xarumahaas ku soo arkay horumarka dowladda Puntland ay ka gaartay hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxana wasiiradii halkaasi ku soo dhaweeyay ay tuseen siyaasadaha iyo agabka kale ee wasaaraduhu leeyihiin iyo horumarka ay sameeyeen mudada ay jireen iyo guud ahaan siday ugu diyaarsan yihiin ka qayb qaadashada horumarinta dowladnimada Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa qado sharaf loogu sameeyey Safiirka iyo wafdigiisa beerta dalxiiska ee 22aad Magaalada Garowe.