Wasiir Indha-guran ”DFS waxay jabisay heshiiskii ay Puntland la gashay”

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Dowladda faderaalka Soomaaliya ay ka talaabtay heshiis ay la gashay Puntland 14 oktoober 2014.

Madaxweynaha DFS ayaa isagoo ku sugan magaalada Dhuusamareen,waxuuna sheegay maamulka gobollada dhexe uu ka koobnaan doono gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Dowladda faderaalka waxaa ay jabisay heshiiskii ay Puntland la gaartay sanadkii hore,”ayuu yiri wasiirka Indha-guran oo waraysi siiyey BBC

Waxuu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland, in heshiiskii Garoowe oo ka koobnaa ilaa 14-qodob ay labada dhinac wax-yaabihii ay ku heshiiyeen uu ku jiray in maamulka loo dhisayo goballada dhexe aan lagu darin waqooyiga gobolka Mudug, wuxuuna wasiirka intaa raaciyay in sidoo kale dastuurku uusan qabin in maamul loo sameeyo gobol iyo bar.

Puntland ayaad waxaad moodaa in ay marna hurdo dheer galayso marna sidii ruux hada soo kacay oo aan waxba ogayn ay u dhaqmayaan. Arinkan ayaa waxa ay DFS soo waday tan iyo july 2014 iyadoo marwalba magacu ahaa Mudug iyo Galgaduud. Waa maxay sababtay u aamusanayd awal?

Shacabwaynaha reer Puntland iyo gaar ahaan reer Mudug waxaa la joogaa xiligii midnimada iyo difaaca jiraanka Puntland sidii aad awalba waligiin u difaaci jirteen Puntland. Dagaal cad ayaa Puntland lagu soo qaaday waa waajib in shacabku isdifaacaa hadii uu madaxweynihii ay igmadeen uu iska hurdo!

Puntlandes.com

About The Author