Sawirro: Puntland oo tababar Kuliyadda Carmo ugu xaraysay ku dhawaad 100 gabdhood oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidamada booliska Dowladda Puntland
27 June 2021 (Puntlandes) Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland kadib dadaal dheer waxaa u suurogashay tababar socon doona muddo dhawr bilood ah inuu markii ugu horeysay ku xareeyo Kuliyadda tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Degmada Carmo Gobolka Bari ku dhawaad 100 gabdhood oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidamada booliska Dowladda Puntland.
Gabdhaha ka tirsan ciidamada booliska Puntland waxaa laga soo xulay sagaalka Gobol ee maamulkoodu hoos yimaado Dowladda Puntland waxayna noqon doonaan dufcadii 1aad oo loo xareeyo tababar wax badan la filayo inuu ka bedelo Xirfadooda iyo Aqoontii ay horey ugu shaqeynayeen.
Kabtan Maxamed Axmed Xasan oo ka tirsan saraakiisha xafiiska taliska guud ee ciidanka booliska wuxuu sheegay tababarkaan inuu yahay mid khaas u noqon doona gabdhaha islamarkaana ay xigi doonaan dufcado kale xiggi doona dufcadda 1aad oo maanta Kulliyadda Carmo tababarku uga furmay.
Sida muuqata talaabadan waxay qeyb ka noqonaysaa isbedelladda wanaagsan oo mudooyinkii u dambeeyay lagu sameeyay hanaanka shaqada hay’addaha amniga gudaha gaar ahaan ciidamada booliska dowladda Puntland.
Sawirro: Puntland oo tababar Kuliyadda Carmo ugu xaraysay ku dhawaad 100 gabdhood oo ka tirsan laamaha kala duwan ee ciidamada booliska Dowladda Puntland.