Gobolka Mudug ee ku yaal bartamaha Soomaaliya waa magaalo qadiimiya waxaana daga qabaa,iilo Soomaaliyeed oo kala duwan 1998, xiligii laasaasay Puntland Gaalkacayo qayb kamida waxay noqotay Puntland oo Maamul ahaan raacday…

Maxaa loo kala yaqaan Mudug?

Gobolka mudug ee magaalo madaxdiisu tahay Gaalkacayo waxay yeelatay wajiyo badan oo magacyo kala duwan loo yaqaan dagmooyinka Xarardheere iyo Hobyo Mudug waxay u yaqanaan Caasimadda Galmudug, iyo xarunta Madaxtooyadda dawladda Galmudug..

Degmooyinka Goldogob iyo Jariiban waxaa looga yaqaan gobolka mudug ee Puntland iyo Hooyadii Puntland laakiin Gaalkacay waa hal gobol ee mahan labo gobol hadaba sedee wax u khaldan yihiin miyeysan habbonayn in sida runtaa loo sheego mudug oo qolo walbana ay isticmaasho halka ay dagan tahay sida koonfur ama waqooyi?..

Maamulka la dhisi doono

Hada waxaa lagu jiraa qaban qaabada dhismaha maamul goboleedka Gobollada dhexe ee Soomaaliya Caasimadda gobollada dhexena waa Galgaduud Dhuusamareeb) Caasimadda labaad ama magaalada Ganacsiga u noqon doonta Maamulka Gobollada dhexe waa Gaalkacayo waayo maamulka gobollada dhexe waxaa lagu sheegay Gaalkacayo iyo dhuusamareeb..

Dad is faryaqaan

Sikastaba ha ahaatee dadka mudug wada dagaa waa dad si fiican isku yaqaan colaad iyo nabad-ba xalad kastana is faryaqaan laakiin xiliyadii hore nidaamka fedralka ma uusan jirin waxaase hada innagu soo kordhay federal iyo in la dhiso maamulo iskood isku maamula waxaase su, aali ka tagan tahay Gaalkacayo iyo qaynuunka federalka see la isku waafajin Mudug ma labo Gobol baa mise waa hal gobol? intee maamul goboleed ayaa ka jiri doona Mudug?..

Dastuurka Soomaaliya iyo is waafajinta maamulka gobollada dhexe

Dastuurka qabyo qoraalka ee Jamuuriyadda Federalka ee Soomaaliya waxaa ku qoran waxaa maamul Gobolleed samaysan kara labo gobol iyo wixii ka badan hadaba sidee wax isku dhafsanyihiin ma dastuurka ayaan lagu dhaqmayn? mise xaalku waa lajiifiyaa banan)? Maamulka Gobollada dhexe loo dhisaayo ma buuxshay sharuudihii

Nuqul kamida dastuurka qabyo qoraalka ee Jamuuriyadda Soomaaliya waa qodobka 50,naad farqadiisa 5. Xuduudaha Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalkayadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii.

6. Ugu yaraan laba gobol iyo ka badan ayaa ku midoobi kara Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka iyaga xor u ah go’aankooda.

Sharuudii looga bahna ma buuxsheen Gobollada dhex

Hadaba Maamul u samaynta gobollada dhex ma buuxshay sharuudihii looga bahnaa? mise degmooyinka Jariiban iyo Goldogob aya maamulka wax ka dhisanaya oo Puntland aysan war ka hayn?..

Sidii la isku waafajin

Sidee lasku waafajinayaa maamulka loo dhisayaa Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo Mudug waa hooyada Puntland waana gobol ka mida maamul goboleedkii la asaasay 1998, xaalkuse sookuma fiicna in xaqiiqada la sheego oo la dhaho waxaa maamul loo samaynayaa Galgaduud iyo galmudug oo Mudug Puntland-se soo kuba habbona inay isticmaasho magaca waqooyiga Mudug..

Gabagabada

Soomaalidu waxay dhahdaa intaad nin raali galinayso nin ayaad ka tagaysa waxan ula jeeda Madaxwaynaha Jamuuriyadda federalka ee Soomaaliya Xasan Shiikh wuxuu noqday Hashii Ninka guran dheelmay) hal labo midigle dheelmay dhana uma fayooba) Puntland waxaa laga doonaya inuu qanciyo kana dhaadhiciyo inaan Mudug oo dhan Galgaduud raacayn dhanka kalena waa inuu socod siiyo warqadii saxiixnayd e ahayd waxaa maamul loo dhisayaa Mudug iyo Galgaduud caasimadiisuna wa Galgaduud..

1969

Cabdinuur Faarax Maxamuud
guuleed72@hotmail.com

About The Author