Dhageyso: Siyaasi Cabdidaahir Yuusuf Yeey “Waa sharcidaro maamul loo dhiso Mudug Iyo Galgaduud”

Cabdidaahir Yuusuf Yeey oo kamid ah siyaasiyiintii isku soo taagay madaxtinimada Puntland sanadkii hore,  ayaa sheegay in lagu howlanyahay abaabul la xiriira in gobolka Mudug oo dhan la raaciyo gobollada dhexe. Waxaa uu sheegay arrintaan in ay ka shaqaynayaan beesha caalamka iyo DFS.

Mar uu arintan ka hadlayey Cabdidaahir Yuusuf Yeey ayuu yiri “Waa sharcidaro, maamul loo dhiso Mudug iyo Galgaduud, mana ahan
arin aan qaadan karno, Mudug waa la yaqaan sida loo kala dago, haddii
maamulka Gobollada Dhexe la rabo in la dhammaystirana waa in caqli
lagu daraa, shacabkuna ma qaadan karaan jajuub iyo khasab

Dhanka kale Siyaasi Cabdidaahir ayaa sheegay inuu jiro qorshe la
doonayo in Puntland gobolladeeda lagu jarjaro, waxaa uu sheegay in
gobollada Sool, Iyo Sanaag la doonayo in guud ahaanba laga jaro
Puntland, uuna jiro qorshe loogu talagalay. Waxaase uu sheegya inaan mar-naba la aqbali karin Puntland in la googooyo.

Dhageyso wareysiga Cabdidaahir Yeey


Puntlandes.com

About The Author