XOG: Shirkii Kismaayo oo lagu kala tagay kadib markii Axmed Madobe, Gabre iyo Afay..

Waxaa magaalada Kismaanyo ka socday mudadii u dambaysay shir la doonayey in lagu dhiso Baarmaanka dawlada Jubaland ay yeelandoonto. Lakiin waxaa nasiib daro ah in Axmed Madoobe iyo Afey oo ka soo jeeda Beesha Absame iyagoo hiil ka helay ninka u xilsaaran in aysan Soomaaliya degin laguna magacaabo Gen Gebre ayey waxay dhaheen anagaa qaybinayna iyagoo intii ugu badnay siiyey Beeshooda halka ay dadkii kale waxoodii ay dhaceen.

Magaalada Kismaanyo ayaa ah mid hada lagu kala tagay iyadoo la diiday waxa ay qaybiyeen sadexdan mnin ee isbahaystay. Maanta waxaa Magaalada Kismaayo ka dhoofay Wafdigii Ugaaska Beesha Sade, waxayna Wafdigan ka Koobnaayeen Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin,Culimowdiin, Waxayna Magaalada Kismaayo u yimaadeen Qaybsiga Baarlamaanka Jubbaland. Waxayna ku dhawaaqeen in uu shirkii lagu dhisayey Baarlamaanka uu burburay ayna ka baxeen. Waxyaalaha lala yaaban yahay ayaa ah in Laba tuulo oo kala ah Salagle iyo Xagar ay ku dhacaan 8 xildhimaan iyagoo yiri degman ka dhignay! war bal adba!

Warbaahinta madaxnaan ee Puntlandes ayaa idiin soo gudbinaysa Beelaha ka baxay shirka ee dega degaanada Jubooyinka kuwaas oo qaadacay in ay ka mid noqdaan waxa Axmed Madoobe iyo jaalkiisu walaaqanayaan. Beelaha ayaa waxay kala yihiin sidatan:

  1. Beelaha Harti
  2. Sade
  3. Digil iyo Mirifle
  4. Tolomoge
  5. Bah-gari
  6. Gaaljecel
  7. Jareerwayn
  8. Cawarmale

Axmed Madoobe ayaa waxaa si deg deg ah looga yeeray Kenya sida ay wararka ku helayso Puntlandes waxaa lagu amray Axmed Madoobe in uu joojiyo xulida Xildhimaanada Baarlamaanka, isagoo intuusan ka dhoofin Kismaanyo la kulmay odoyaal ka soo jeeda Beeshiisa oo qaybsanayey Kuraastii badnayd ee ay qaateen wuxuuna ku wargaliyey in ay hakiyaan qaybsiga iyo magacaabitaanka Xildhibaanada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author