Sawiro: Shir wadatashi ah oo dowladda Federaalka iyo Puntland uga furmay magaalada Garowe
Shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Puntland iyo DFS ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee caasimada Puntland. Ajandayaasha shirka looga hadlayo ayaa kala ah:
1-Fulinta Heshiisyada horay loo galay.
2-Dib u eegista Dastuurka.
3-Shuruucda laga soo saarayo Federaalka iyo Guddiyada saamaynta ku leh Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
4-Qaab dhismeedka loo samaynayo Dawlad Goboleedyada oo laga yeesho aragti Midaysan,waxaana Puntland ay sheegtay inaysan sinaba u aqbalayn in Maamulada Federaalka ee dhismaha ay hareermaraan Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed.
5-Iyo Dhismaha Ciidamo Qaran oo Soomaaliyeed.
Furitaankii shirka ayaa waxaa hadalo koob-kooban ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyagoo nuux nuuxsady muhiimda uu shirkaan u leeyahay ka miro dhalinta higsiga 2016 iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya Puntand iyo Dowlada Federaalka.
“Puntland waa hooyadii iyo Aabihii Federaalka waxayna markasta diyaar u tahay kana shaqaynaysaa sidii laysugu keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaase dhacda in mar-marka qaar la yeehso aragtiyo kala duwan, taas ayaana sabab u ah in laysugu yimaado kulamo.waxaa kulankaan qayb ka ah in lays weydiiyo maxaa imaan doona 2016 iyo dowaldnimada dhalanaysa waa noocee, marka waxaa loo baahan yahay in si wada jir ah looga arinsado, iska waraqab joogto ahna la yeesho” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Ra’iisul Wasaare Cumar oo si rasmi ah u daah furay shirka ayaa ku dheeraday muhiimada ay u leedahay xukuumadiisa xaqiijinta 2016, taas oo ku imaan karta oo kaliya wada tashi balaaran oo ay ka yeeshan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada ka jira dalka.
“Hadaa nahay Madaxda dowlada federaalka ah waxey masuuliyad naga saaran tahay inaan wada tashiyo dheeraad ah kala yeelano cid kasta oo uu khuseeyo higsiga 2016, si loo helo dastuur loo qaaday afti dadweyne iyo in la helo dib u heshiisiin qaran oo dhamaan gaarta gobolada iyo degmooyinka dalka, wada xaajood kasta oo la yeesho wuxuuu u baahan yahay dulqaad, is faham iyo isu tanaasul, waxaan rajaynayaa inuu is faham iyo heshiis ka soo baxo shirkaan”
“Dhismaha ciidan qaran xukuumadu waxay u saartay gudi ay hogaaminayso Wasaarada Gashaandhiga waana inaan aragti midaysan ka yeelano dhismaha ciidan qaran, waa inaan helnaa ciidan qaran oo soo celiya karaamadii iyo Sharfta Soomaaliya, wadankana gaarsiiya horumar dhanka amniga ah” ayuu yiri RW Cumar oo dhanka kale uga mahadceliyey, reer Puntland sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashooyin ku soo maray wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xabsiga dhexe iyo xarunta ciidanka asluubta, Jaamacada PSU oo uga qayb galay bandhig faneed lagu soo badhigay in kabdan 150 buug oo ay qoreen aqooyahano Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cumar uu dhagax dhigay Hoteel Casri ah oo ganacsato Soomaaliyeed ka dhisanayaa meel aan ka fogayn madaxtooyada Puntlanad.
Puntlandes.com