Ciidamada Puntland iyo Daacish oo ku dagaalamaya buuraledya gobolka Bari

10 July 2021 (Puntlandes) Ciidamada difaaca dowladda Puntland, ayaa maalintii saddexaad hawlgal culus oo ka dhan ah Daacish waxay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Hawgalkan oo Khamiistii bilowday, ayaa xooggiisu ka socdaa buuraleyda Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan Calmiskaad, halkaas oo dhufays u ahayd kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan degaannadaas laga qabsaday kooxda Daacish, isla markaana laga dilay xubno badan halka qaar kalena maxaabiis ahaan looga qabtay.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad fara badan oo kayd u ahaa Daacish kadib markii laga qabsaday saldhigyo kala duwan.


Puntlandes.com

About The Author