Dhageyso-Akhriso: Dowladda Puntland iyo DFS oo heshiis buuxa ka gaaray wada hadalkoodii uga socday Garowe
Dowladda Puntland iyo DFS ayaa heshiis ka gaaray wada tashigiii u dhexeeyay labada dhinac ee maalintii shalay ka furmay Garowe.
Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha oo shir jiraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa si wadajir ah u sheegay in is afgarad buuxa laga gaaray arimihii laga wada xaajoonayay ee sal dhiga ahaa gaarista hiigsiga 2016.
Afhayeenka xafiiska Raysal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa kadib saxaafada u aqriyay qodobadii kasoo baxay wada tashiga labada dhinac.
Halkaan ka akhriso qodobada.
1-Dowladda Puntland iyo DFS waxay isku afgarteen dardar galinta heshiiyadii ay horey u wada gaareen oo uu ugu dambeeyay heshiiskii 14 actobar 2014. Si arintaas loo gaaro waxaa la magacabay guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya herglinta heshiisyadaas.
2- Waxaa la isku raacay in dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Barlamaanka DFS iyo guddiyada madaxa banaan ee heer qaran.
3-Dhismaha dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federalka Soomaaliya.
4- U diyaar garowga iyo qabashada madasha wada tashiga madaxda sare ee DFS iyo dowlad goboleedyada, Waxaana lagu qabandoonaa magaalada Garowe bishaan Abril.
5- Dhismaha ciidan Qaran: Waxaa la isku raacay in ciidan qaran oo dhan 3000 askari loo qoondeeyo dowladda Puntland.
6- Waxaa lasoo dhaweeyay sida dowladda Soomaliya u maamulayso wada hadalka lagula jiro maamulka Soomaaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wada hadaladii ugu dambeeyay.
7-Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in toos ah iskaashi iyo wada shaqayn buuxda u yeeshaan wasaaraddaha labada dhinac sida arrimaha dastuurka, qeybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada, iskaashiga qorshaha qaranka iyo siyaasada isgaarsiinta qaranka.
Dhageyso Codka afhayeenka.
Puntlandes.com