WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweyne Gaas oo garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sagootiyey raysal-wasaare Cumar iyo wefdigii uu hogaaminayey

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee Caasimada Dawladda Puntland ku sagootiyey raysal-wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wefdigii uu hogaaminayey oo u ambabaxay magaalada Muqdisho .

Sagootinta raysal-wasaaraha iyo wefdiga la socday waxaa sidookale ka qeyb-qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ,wasiiro iyo xildhibaano katirsan Xukuumada Puntland ,Saraakil ciidan iyo masuuliyiin kale duwan.

Ka hor inta uusan raysal-wasaaruhu ka dhoofiin garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa Madaxweynaha iyo raysal-wasaaruhuba si rasmi ah xarunta PDRC ugu daahfureen shirweynaha koowaad ee wada tashiga maamul baahinta Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dhsimaha golaha deegaanka ee Gobolada Puntland muddo sanad gudihiisa guulo waaweyn ay xukuumaddu ka soo hoyday, maadama degmooyin badan loo dhisay Gole deegaan.

” Waxaan idiin sheegaynaa hadaad shaqeyn weydaan oo awoodii loobaahna iyo shaqadii muhiimka aheyd ee ah in dadka aad u adeegtaan samayn weydaan qofna maahan geed meel ka baxay waad tagaysaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in faa’iido weyn ay kujirto dhamaystirka Golaha deegaanka ee degmooyinka Puntland, waxaana uu tilmaamay in degmo walba wax soo saarkeeda iyada uu dib ugu noqnayo shacabkeeduna ay ka faa’iidaysanayaan.

Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa dawladda Puntland ku amaanay sida ay ugu dadaashay dhismaha golaha deegaanka ee guud ahaan degmooyinka Puntland, waxaana uu tilmaamay in ay tahay arrin ku daysho mudan.

Asaasida dawladaha hoose oo ku salaysan maamul wanaag iyo adeeg bixin, iyada oo la marayo ka qeyb-gal, la xisaabtan, hufnaan iyo in si wax ku ool ah looga faa’iidaysto kheyraadka xadidan waxay mira dhal u tahay dalka iyo dadkaba.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_6457 IMG_6458 IMG_6465 IMG_6467 IMG_6469 IMG_6476 IMG_6481 IMG_6486 IMG_6493 IMG_6503 IMG_6507 IMG_6511 IMG_6518 IMG_6520 IMG_6523 IMG_6528 IMG_6534 IMG_6540 IMG_6541 IMG_6544 IMG_6546 IMG_6547 IMG_6550 IMG_6554 IMG_6556 IMG_6568 IMG_6579 IMG_6586 IMG_6594 IMG_6598 IMG_6599 IMG_6600 IMG_6603 IMG_6604 IMG_6606 IMG_6607 IMG_6608 IMG_6609 IMG_6612 IMG_6614 IMG_6615 IMG_6616 IMG_6617 IMG_6618 IMG_6622 IMG_6624 IMG_6625 IMG_6627 IMG_6629 IMG_6630 IMG_6634 IMG_6638 IMG_6640 IMG_6641 IMG_6656 IMG_6658

 

About The Author