Aqoonta Maamul iyo Dulqaadka Hogaamiyuhu Waa Muraayadda Laga eego Dawladnimada (Dr Gaas)
Madaxweye Gaas waxuu Lawareegay Dawlad 16 Sano jirsaty oo leh Nadaam iyo shuruuc lagu hogaamiyo dhanka kalena leh Hay’adihii Dawliga ahaa sida Barlamaankii oo ah hay’adda Sharci dajinta (egislative/ lawmaking) Garsoorkii oo ah fuliyayaasha sharkcigii Baarlamaanku soo dejiyay (Judicial) xukuumadii (Executive), iyo Ciidamadii Dalka oo leh Qayba kala duwan sida Malatari, Boolis, Asluub, Ciidamadii Badda iyo kuwii Sirdoonka intaba, intaas oo u baahan in horay loosii wado maadaama ay yihiin dhamaan kuwa dhisan oo u baahan in wadada lagusii wadoh, hadaba waxaa jirah laba arimood oo lagu Qiimayo Dawladnimada mid waa mid u baahan in aad u dooratid Cid ku haboon lehna aqoonteeda iyo khimradeeda waana Nadaamka Baratakoolka Dawladnimo (Government protocol system) Arinta labaad ayaa ah mid looga baahan yahay Qofka Hogaamiyaha ah (Leadership-ka) waana
Go’aanka iyo Dulqaadka (decision making)Haddaba marka la eego Madaxweyne Gaas labadaan arimood waxay ka midyihiin meelaha Dawladnimada Puntland halkii sano iyo 4tii bilood ee Gaas Xukunka hayay ka naafowday Tusaale ahaan Dhanka Baratakoolka waxaad arkaysaa Munaasabadaha Lagu soo dhoweynayo Madaxda Dawladaha iyo kuwa Hay’adaha Calamiga ah iyo xafladaha Ka Qabsooma Madaxtooyada sida inay ku bilowdaan kuna dhamaadaan Nadaam isku dhexyaac ah (disorder), oo lakala hormariyo Khudbadaha Madax laga yaabo inay baratakoolku ahaa in lagu bilaabo ama lagusoo xiro sidoo kale waxaad Goobaha lagusoo dhoweyo madaxda ka dhacdha Nadaam xumo iyo sikaduwan sidii Hab maamuusku ahaa.
Dhanka Go’aanka iyo Dulqaadku waa mid kamid ah astaamaha Hogaamiyanimada (leadership sign), tusaale ahaan waxaa Madaxweyne Gaas Caado u ah in uu soo saaro 4 Wareegto 3 kamid ahna ay Dib u noqdaan waan arima inbadan dhacay sidoo kale in ay isqabtaan Xubin ka mid ah Dawladdiisa wax ubaahnaa in laga fakaro uu isla markiiba wareegto horay usoo saaro taasoo u baahan Fekar iyo Go’aan wakhtiyaysan (decision time) iyadoo laga yaabo in Madaxweynuhu khaldan yahay ama Qofka kale khaladku yahay laakiin ay ahayd in madaxweynuhu dib isugu noqdo kadibna ka fekaro muxuu mutaysan karaa qofkaan ma ganaax, shaqaka fariisin mise Xil ka qaadis ka hor intaan wareegtada lasoo saarin arimahaani waa kuwo caam ka ah gudaha Puntland.
Hadaba madaxweyne Gaas waxuu u baahan yahay haduu rabo in dawladnimo Nadaam keedu shaqayo uu hogaamiyo inuu ka safayo dhamaan dhalinyarada yaryar ee Madaxtooyada oo iyagu go’aamiya Shaqada Madaxtooyad sida Qaabilaada Dadka madaxweynaha lakulmaya oo marar badan ay dhacdo in Fadeexad ay u soo jiidaan sidoo kale waa inuu yeeshaa Go’aan aan kalaabasho lahayn hadii uusan mudnayn in laga laabto iyo in uu dulqaad u yeesho Arimaha soo wajahaya
Qore Aqoonyahan Jaale Daahir