Madaxweyne Gaas oo Dhabar-jabiyay Guddigii Wadahalada Puntland kuna Adkeystay inaan Mudug laga hadal, Iyo Wasiir Indhaguran oo diidey inuu Akhriyo Warmurtiyeedka‏

Wararka Magaalada Garowe ka imanaya ayaa sheegaya in Guddigii Ergada Shirka u Matalayay Puntland uu Dhabar-Jabiyay Madaxweynaha Puntland.

Guddiga ayaa Habeenimadii Xalay Wadaxaajoog lagu kala kacay la yeeshay Ergada Dowlada Somalia Iyadoo la isku mari waayay Qodobka Gobolka Mudug Iyo in la cadeeyo ineysan buuxin Shuriidii Dastuurka Isla markaana lagu Xuso iney Maamul Kumeel gaar ah yihiin,

Waxaa kaloo la isku qabtay in Ergada Shirka Cadaado ka qeyb galeysa eysan kamid noqon Dad Reer Puntland ah, Hadii ay Dhacdo Arintaas iney Dambiilayaal yihiin, Arintaas Oo iyana la isla qaatay in lagu Xuso Warmurtiyeedka soo bixi doona, Dood dheer kadib Waxaa la gaaray Xiligii Cashada Waxana loo dareeray Xaflafii, Ergada Puntland oo uu Hogaaminayay Wasiirka Waxbarashada Puntland Ali Xaaji Warsame, Ayaa u sheegey Madaxweyne Abdiwali Gaas, in Qodobada lagu soo daro Mowqifka Gobolka Mudug Iyo in la Cadeeyo Sharciyada Maamulka Mudug iney tahay KMG.

Madaxweyne Abdiwali Gaas, Ayaa Guddigii Ka balan-qaaday in lagu soo darayo Qodobka khuseeya Mudug Iyo Faah-faahintaba, Balse Saaka Markii la yimid Hoolka Shirka lagu saxiixi lahaa, loo qeybshay Ergadii Shirka Nuqulka Warmurtiyeedka, Akhrin kadib Ergadii Puntland ayaa aad uuga Carootay Sababta looga reebay Qodobada Mowqifka Mudug,

Waxana taasi ey keentay inuu caroodo Wasiirka Warfaafinta Puntland Abdiwali Indha-guran isla-markaana ka Cudur Daarto inuu Akhriyo Bayaanka, maadama Qodobkii ugu Muhimsanaa Shirka laga saaray, Madaxweynaha Puntland ayaa Amaray inuu Bayaanka Akhriyo Ridwaan Xaaji Abdiwali oo haya Xilka Afhayeenka Raisal-Wasaaraha. Ergadii Puntland oo Careysan ayaa midba meel ka baxay Waxana ey sheegeen inuu Dhabar-Jabiyay Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas oo isagu u muuqda Murashaxa Dowlada dhexe 2016.

Puntlandes.com

About The Author