Halsano iyo afar bilood ka dib Dawlada Puntland hore ma u kacay dalku, ugu yaraanse ma joogaa halkii ay kula wareegtay?

Hal sano iyo 4 bilood ka dib Dawladda Puntland aan qimaynno wixii qabsoomay, amase xumaaday?. adigoo Maskaxdaada kaashanaya, Aqoontaadana ku dabakhaya, caqli wanaagsanna isticmaalaya, aysanna kugu jirin nin nebcaysi iyo Jeclaysi midna, adigoo muwaadin waddani dhaba ah, naftaada, caqligaaga, aqoontaada aan khiyaamin, dadkana been aadan ku qancin, Dawladeena xilgan talada inoo haysa, Ma waxbaa ka xumaaday mise waxbaa u qabsoomay?, Haddaba qiimee halbeegyadaan oo si saxan u xisaabi ka dibna waxa kuu soo baxa noo sheeg adoo ku cabiraya 1 Sano iyo 4 Bilood.

1. Ma bixisay Dawladdeenu Mushaarkii Ciidamada iyo Shaqaalaha ?

2. Gacanta ma ku wada haysaa dhulkii ay kala wareegtay Dawladii ka horaysay?

3. Ma jiraan hal Mashaaruuc oo ay dhagax dhigtay oo aan ka ahayn kuwii Xukumadii hore keentay?

4. Kor ma u qaaday Amaankii, ugu yaraanse ma joogaa halkii ay kula wareegtay?

5  DFS ma kala xisaabtantay Dastuurkii, Qaybtii ay Puntland ku lahayd kaalmada Caalamku bixiyo, Xiriirkii go’naa, ama ugu yaraan waxyaabihii lays ku hayay ee aan hore la inoo jiirsiin?

6. Ma hagaajisay Dhaqaalihii mase la timi siyaasad Dhaqaale oo hufan?

7. Ma samaysay nadaam kantarool ama maarayn ee dakhliga soo gala Dawladu, ama ugu yaraan sidoodii ma yihiin?

8. Ma kala dagaalantay Musuqmaasuqa goobaha dakhliga dalka ka soo galo sida Airboorada, Dekada, Maxjarada iyo Kastamada?

8 Meeye deeqihii waxbarasho ee ardaydeena dugsiyada sare ka baxday, ugu yaraan dalka Sudaan oo Ardayda ugu badan sanadkasta inoo aadijiree?

9. Ma jiraa hanaankii Dawladnimo iyo kala damayntii, illaa heer Madaxweyne illaa Askari dable ah iyo kala amar qaadashadii?

10.  Ma wel wel dhanka amaanka ah ayay qabaan Hay’adihii waddanka joogay, sida UN-ka, ugu yaraanse ciidamadoodii SPU ma sugayaan wali amaankooda?

Waxaan qirayaa intaas hadii ay jirto ama ugu yaraan saddex ka mida jiraan, in Dawladu wax qabatay ayna mudan tahay in lala shaqeeyo, hadiise aanay intaasi jirin, waxaa waajib ku ah qofkasta oo Puntlander ah, la xisaabtanka iyo go’aan ka gaarista Mustaqbalka Dadka, Dalka iyo Dawladda Puntland, ugu damayntii anigoo jecel Dadkayga, Dalkayga iyo Dawladeyda waxaan
Allaah ka baryaayaa inuu nagaarsiiyo horumar Amaan iyo Cadaalad noona hagaajiyo Madaxdayada.

WBFQ!

WD: Aqoonyahan Jaale Daahir

About The Author