Rooble oo magacaabay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka
25 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.
Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Marwo Batuulo Axmed Gabale waxaana ka mid ah haween caan ku ah u doodida xuquuqda haweenka.
Ujeedada guddigan loo magacaabay waxaa ay tahay si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Magacaabistan ayaa u soo beegantay xilli doorashada Aqalka Sare oo loo qorsheeyay inay bilaabato maanta oo ah 25ka bisha July aysan weli qabsoomin.