Sawirro-Muuqaal: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo booqasho ugu tagay Isimada gobolka Mudug dibna ugu laabtay Muqdisho

25 July 2021 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo shalay galab gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa intuusan Gaalkacyo ka dhoofin waxa uu salaan ugu tegey Isimada gobolka Mudug oo ay kala ah Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Garaad Maxamed Cilmi Shirwac, Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire iyo Iimaam Cabdiwahaab Maxamuud Guray.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kulan la qaatay gudiga dhismaha Garoonka cawaale stadium, isagoo booqasho ku tagay Garoonka Kubbad cagta ee Cawaale ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa ka duulay Garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf isagoona dib ugu laabtay magaalda muqdisho.

XOG ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa xaqiijinaysa inuu wasiirku u yimid Gaalkacyo arimo olele kursi Xildhibaan laakiin markii uu ka soo degay shalay galab magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo wacay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku amray inuu Muqdisho ku soo laabto si uu safar ugu weheliyo.




Puntlandes.com

About The Author