Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Kulan diiradda lugu saaray xoojinta Dakhliga iyo iskaashiga Ciidanka Booliska

26 July 2021 (Puntlandes) Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxaa lagu qabtay Kulan diiradda lugu saaray xoojinta Dakhliga iyo iskaashiga Ciidanka Booliska.

Kulankan waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, waxaana kasoo qayb galay Wasiir ku Xigeenadda Wasaaradda Maaliyadda, Taliyaha Ciidanka Boolis-ka iyo Hawlwadenada Dakhliga.

Kulankan intii uu socday ayaa lugu Soo bandhigay daraasad kooban oo laga sameeyay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Ciidanka turubutaariyada iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dardargalinta dakhliga Dawladda.

Madxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa wada qorshayaal kor loogu qaadayo Dakhli uruurinta iyo kor u qaadista u hogaansanka cashuuraha.

Ciidanka ilalaada cashuuraha ayaa ka qayb qaata ka hortaga danbiyada laga galo arrimaha Maaliyadda, ilaalinta dakhliga Dawladda iyo ka hortaga kontorobaanka.


Puntlandes.com

About The Author