DIB U EEG SANAD IYO AFAR BILOOD GUDOHOOD WIXII KA DHACAY PUNTLAND KADIBNA QIIMEE MAXAADNA KU TALINLAHAYD
Runta hadaynaan isu sheegin Gaari mayno Himilada aan hiigsanayno, Xukumaddaan hadda jirta waxay ku fashilantay dhamaan hawlihii loo igmaday
- 17/3/2014/ waxaa la dilay Taliyihii Ciidanka Galgala Col Jamac Saciid Warsame Afgaduud
- 7/4/2014, waxaa Ayraboorka Galkacayo lagu dilay laba sarkaal oo u kala dhashay wadamada Canada iyo France kana shaqaynayay xafiiska Qaramada midoobay ee Ladagaalanka Daroogada iyo Dambiyada (United Nations Office on Drugs and Crime)xili waliba uu booqanayay Galkacayo Madaxweyne Gaas .
- 25/5/2014, waxaa la dilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Bosaso Gashaanle Abshir Maxamed Farax (Gaaldile)
- 4/8/2014, waxaa la dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Bari Col Cabdirixman Cali Xasan (Muslim)
Dilka Saraakiishaan waxaa u dheer inaan mid ka mid ahna looga tacsiyayn Qaranka Puntland, Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen, inaan la daryeelin Agoomihii iyo Dumarkii Asayda Xirtay. Weerararda xad dhaafka ah oo ka socda Halbowlaha Puntland ee Magalada Bosaso.
Siyaasadda Dibadda Puntland oo xiligaan lagu tilmaamo Diyaaradii Malaysiya ee la waayay, Puntland oo hoos tagtay Xamar sidii ay tahay Degmooyinka Wardhiiglay iyo Kaaraan.
Waxaa mushaar la’aan 12 Bilood ah Ciidamadeenii Difaaca cadowga iyadoo Misaaniyadda Puntland la laban laabay, Ka aamusku iyo Raali ka noqonshada Gobolka Mudug oo Puntland Cod dheer lagu sheegay inuusan ka mid ahayn, Waxay Dhalinyaro Diaspro ah madaxtooyada Puntlandka dhigeen goob Xafladeed. Hadaba mee doorkii shacabka reer Puntland ma saaneey ku daawanayaan Puntlandtii ay dhisteen Puntlandtii ay jeclaayeen oo degaysa? Ma waysan ogayn inaysan waxba ugu imaanayn Dr Gaas uuna bur burin ku wado Puntland?
Puntlandes.com