Sawiro: Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fuliso

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13-4-2015 hoolka jaamacadda PSU ee Garoowe kaga qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fulisay sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.

Barnaamijka waxaa sidookale ka qey-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP iyo masuuliyiin kale oo madasha u yimi sidii ay wax badan uga ogaan lahaayen waxqabadka hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa soo bandhigtay qorshayaasheeda horumarineed ee ay sanadkii hore ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana su’aalo dhowr ah ka weydiiyey soo bandhigid kadib Wasiiradii iyo masuuliyiinti kale ee ka qeyb-galay kullanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muhiimadda uu barnaamijku leeyahay ku tilmaamay inay tahay inaan shacabka reer Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.

” Sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya dadkoodu ay soo bixiyaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay  in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha  waxa anagu aanu rabno iyo waxa ay siyaasadda dawladu ay tahay in wax lagu sameeyo, dhaqaalaha labixinayana cidna magan ugama tihiin waa dhaqalihii dalka loogu talagalay ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’addaha dawladda Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka Puntland dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland.

Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga , maadama uu Madaxweynuhu ku amray madaxda hay’addaha inay laamiga ka dagaan oo adeegyadooda si siman Gobolada Puntland u gaarsiiyaan.

La xisaabtanka Dawladda ee hay’adda UNDP waxay ku timid balanqaadkii Madaxweyne Gaas ee ahaa in uu la xisaabtan dhab ah la yeelanayo dhammaan hay’addaha Dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, waxaana halkaas ka cad in uu fulay balan qaadkaas.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_6705 IMG_6721 IMG_6740 IMG_6746 IMG_6758 IMG_6766 IMG_6768 IMG_6769 IMG_6770 IMG_6771 IMG_6772 IMG_6775 IMG_6793 IMG_6801 IMG_6803 IMG_6806 IMG_6807 IMG_6810 IMG_6812 IMG_6813 IMG_6818 IMG_6819 IMG_6820 IMG_6821 IMG_6823 IMG_6835 IMG_6836 IMG_6837 IMG_6838 IMG_6839 IMG_6845 IMG_6851 IMG_6853 IMG_6855 IMG_6866 IMG_6870 IMG_6876 IMG_6879 IMG_6883 IMG_6898 IMG_6906 IMG_6923 IMG_6926 IMG_6939

 

About The Author