Muungaab oo Beeniyey Barakicintii Barakacayaasha uu ku sameeyey
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka jawaabay warbixinta laba biloodlaha ah (January iyo Feberuary 2015) oo ay soo saartay Haya’dda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR kuna saabsan Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in tiro lagu qiyaasay 28,500 (Siddeed iyo labaatan kun iyo shan boqol) oo barakacayaal ah si qasab ah looga saaray goobo ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho labadii bilood ee ugu horreysay sanadkaan 2015.
Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ku tilmaamay war aan sax ahayn laguna xumaynayo isaga. Waxaana la UN ku hayaa cadaymo muujinaya jiritaanka Barakicintaas.
Halkan ka Daawo Sawirada Qaar kamid ah dadka uu Muungaab Barakiyey
Puntlandes.com