Shacabka Puntland oo ugu baaqay dawlada in laga dhabeeyo heshiisyada ay la gasho DFS

Shacabka Puntland ayaa u arka Heshiis lala galo DFS  inuu yahay ”Shimbirayahow Heesa Heesa Hees wanaagsan Heesa”

Shacabku waxay ugu baaqayaan dawlada uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ee daba ordaysa DFS ta uu hogaamiyo Xasan Sheekh inay ka keewnto inay fuliso heshiisyadii ay la gashay dawlada Puntland ama uu ka daba haro.

Waxa ay shacabku Baraha looga doodo arimaha Bulshada iswaydiinayaan waxa uu soo kordhinayo Heshiiskii 7 da qodob ka koobnaa ee Puntland ay shalay la saxiixatay DFS haddiiba aan la fulinayn oo uu ciyaar ciyaar yahay!!

 

Sayaasiyin, Aqoonyahano iyo waxgarad badan ayaa ugu baaqay madaxweyne Gaas iyo xukuumaddisa inay soo bandhigaan waxyabaha uga qabsoomay heshiisyada ay la galayaan DFS.

“Heshiiska waxaa ka mid ahaa in maamullada dhismaya la waafajiyo dastuurka, taaso ka dhigaysa maamulka laga dhisayo gobollada dhexe inuusan buuxin sharuucda dastuurka ku qoran, maaddama uu yahay gobol iyo bar” ayaa ka mid ahaa hadaladii ay soo jeediyeen

Waxyaalaha ay shacabka reer Puntland iswaydiinayaan ayaa waxay tahay haday Xamar dawladnimo ooölin maxaa inaga ina dabagashay dadkaas aanba doonayn dawladnimo iyo Soomaalinimo, Maxaa inaga kaliya mas’uuliyad inaga saaray? Maxaan waqtigeena iyo tabarteena aynu ugu luminaynaa Xamar oo aan dawladnimo ka soo socon?

Shacabku waxay jawaab waajifa oo aan leexleexad lahayn ka sugayaan Dr Gaas oo aad moodo in uu wax aan dadku arkayn uu Xamar ka arkayo.

Puntlandes.com

 

About The Author