Dhagayso: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in maamulka Cadaado lagu dhisayo uusan ahayn dawlad Goboleed ee uu yahay ”Galmudug” oo kale
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta mar uu saxaafada u sharaxayey heshiiskii shalay waxaa uu yiri ”Maamulka la dhisayo haddii aysan Dastuurka waafaqsanayn ”Labo Gobol iyo wixii ka badan” ma noqonayo Dawlad goboleed ee waxay noqonaysaa Maamul”
Madaxweyne Gaas oo sii sharxaya ayaa yiri ” ..iyaguna maamul bay u baahan yihiin inagana danteena ayaa ku jirta marka dadka ku nool Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud maamul bay samaysanayaan ee maaha dawlad Goboleed”
Shalay ayey ahayd markii ay dawlada Puntland iyo DFS Heshiiskii 7 da qodob ka koobnaa ay ku saxiixdeen Caasimada Puntland ee Garowe.
Heshiiska waxaa ka mid ahaa in maamulada dhismaya la waafajiyo dastuurka Federaalka, taaso ka dhigaysa maamulka laga dhisayo Gobollada Dhexe inuusan buuxin sharuucda dastuurka ku qoran, maaddama uu yahay Gobol iyo bar.
Dhagayso Dr Gaas
Puntlandes.com