XOG: Axmed Madoobe oo ka codsaday Beeshiisa Absame inay kaligood soo gudboyaan Xildhibaanada JL
Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandes ka soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa uu Axmed Madoobe Shir deg deg ah isugu yeeray dhamaan odoyaasha Beesjhiisa ee Absame isagoo ka codsaday in ay soo dedejiyaan xulida liisaska Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa u shegay Odoyaashiisa in aymaalinta Arbacada ah ee taariikhdu tahay 15 ka Abriil 2015, ay noqoto Maalinta ay ugu dambayn soo gudbiyaan Baarlamaaanka Jubbaland.
wuxuuna caawa intaa ku daray Axmed Madoobe in EU ay lacag farabadan diyaar la tahay haddii aad soo gudbisaan Xildhibaanada.
Dhanka Kale Magaalada Kismaayo waxaa ka socda shirar iyo diidmo beelaha kale ee dega jubaland ay ku diidan yihiin in ay qaataan qaybta xun oo ay Axmed Madoobe iyo Afey ku siiyeen beeshooda Absame wixii dadku lahaa.
Puntlandes.com