Weerar lagu qaaday dhismaha wasaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare eeDFS
Wararka ka imaanaya magalada Muqdisho ayaa sheegayain koox hubaysan ay weerar kusoo qaadeen dhismaha Wasaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare oo ku taal agagaarka KM5 ama Zoobe,halkaasoo ay degan tahay wasaradda waxbarashada DFS.
Qarax nooca gawaarida lagu soo xiro ayaa lagu dhuftay darbiga hore ee xarunta, waxaana isla markiiba gudaha wasaradda laga maqlayaa rasaas xoogan oo loo malaynayo inay is-waydaarsanayaan ciidanka ilaalada ka ah xarunta iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Masuuliyiinta ugu saraysa wasaradda iyo shaqalaha xarunta ayaa goobta ku sugan, lamana yaqaan ilaa iyo hadda siday tahay xaalada goobtan oo ay durbaba soo gaareen ciidanka ammaanka ee Muqdisho.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud safar gaaban ku aaday magalada Cadaado oo maalinta barito la filayo inuu ka furmo shirka mamul u samaynta Koonfurta Mudug iyo Gobolada Galgaduud.
Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com
Puntlandes.com