Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Cadaado
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado iyadoo lagu soo dhaweeyay halkaasi.
Wafdiga Madaxweyaha waxaa Cadaado ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dadweyne aad fara badan.
Madaxweyne Xasan ayaa maalinta beri ah lagu wadaa in uu furo shirka Maamul u sameynta Koonfurta Mudug iyo Gobolada Galgaduud, waxaana magaalada Cadaado ku sii qul qulaya musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada ee Maamulka la sameyn doono iyo ergagada ka qeyb galaysa.
Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com
Puntlandes.com