Rooble oo soo dhaweeyay doorashada Gudoonka Guddiga Doorashada Somaliland

07 Aug 2021 (Puntlandes) Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay.

Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Qoraal uu soo dhigey goor dhow bartiisa Facebook Afhayeenka xukuumada ayuu ku sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland walow ayan miro dhal noqon.

Waxa uu afhayeenka intaa ku dray in si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada aqalka sare uu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto .

Soo dhoweyntan ra’iisul wasaaraha ayaa imanaysa waxyar ka dib markii garab ka mid ah garabyada siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ay guddoomiye u doorteen Khadar Xariir.

About The Author