Sawirro-Muuqaal: Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo booqasho ku timid Muqdisho
08 Aug 2021 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasoo ah booqashadii u horreysay Diblomaasi sare oo ka socda Kenya ku yimaado Soomaaliya, tan iyo markii dib loo soo celiyay xiriirka labada dal.
Raychelle Omamo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa warqad rasmi ah u sida Ra’iisul Wasaare Rooble oo lagu wado inuu Arbacada soo socota booqasho ku tago dalka Kenya.
Qoraal kooban oo la soo dhigay barta ay Facebook ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri “Labada wasiir waxay yeesheen wada hadallo laba geesood ah oo ku saabsan xiriirka, waxayna wada xuseen muhiimadda ay leedahay qaadista tallaabooyin la taaban karo si loo muujiyo xurmadda madax -bannaanida, midnimada dhuleed iyo madax -bannaanida siyaasadeed” kuwaas oo ah gundhigga xiriirka labada dal.