Akhriso: Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo Ahlusunna oo ku heshiiyay in madaxweyne Xasan faragalinta ka daayo shirka

Waxaa ku shiray magaalada Cadaado Maamulada Ahlu Suna, Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug waxaana Maamuladaan oo ahaa Saxiixayaashii Maamulka Loo Sameynayo Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud ay soo saareen Baaq dhowr qodob ka kooban.

Shirka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Kadiye Iyo Gudoomiyaha Sadexda Gole Ee AhluSuna Shiekh Ibraahim Xasan Guureeye. Sadexdaan maamul ayaa ahaa saxiixayaashii heshiiskii lagu dhisayay maamulka Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud waxaase dhexda ka soo baxay kooxo dano gaar ah iyo shuruudo aan sharciga waafaqsayan wata. Shacabka iyo maamulada g/dhexe ayaa Df iyo bulshada caalamka u sheegay in hadaladii ka soo yeeray madaxwaynaha DF iyo kooxaha shuruudaha wataa ay ahaayeen kuwo aan sharciga waafaqsayan isla markaasna lagu carqaladaynayay habsami u socodka shirka iyo midnimada maamulada ka jira g/dhexe ee Somalia.

Qodobada ay Soo saareen 

  1. In dadka Gobolada Dhexe Faraha Looga Qaado Danahooda Si Ay Maamulkooda U dhistaan Iyagu.
  2. In dib u dhaca Shirka ay Dowladda Soomaaliya Masuul ka Tahay.
  3. In La Dar Dar Galiyo Habsami Usocodka Shirka Maamulka Lagu Dhisayo.
  4. Maamuladu Waxa ay Dhaliileen Gudiga Farsamada shirka Loo Igmaday oo ay Ku sheegeen In Ay Howshoodi mid aaan Ahayn Faraha Kula Jiraan

HBN (12)HBN (8)HBN (23)HBN (12)HBN (19)HBN (21)HBN (22)HBN (18)

About The Author