Nin noocee ah ayuu ahaa Col. Cabdillaahi Yusuf Axmed?

Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa dabeecadihii ay lahaayeen afartii Madaxweyne ee Puntland soo maray, kuwaas oo hab doorasho oo sharci ah ku yimi, shakhsiyan intaan ka aqaan, waxaanna u kala hormarindoonaa siday u kala horayeen waana Col Yey, Gen Cadde, Dr. Faroole iyo Dr. Gaas, waxaanna ugu hormarin doonaa AUN Col. Cabdilahi Yusuf.

AUN Col. Cabdilahi wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horeyay ee Puntland, sidoo kale wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu horeyay ee Village Somalia albaabka ka gala, tan iyo burburkii Soomaaliya, ugu horayn waxuu lahaa Col. Yusuf Astaan ay ka sinaayeen Madaxweynayaashii Puntland soo maray taas oo ahayd Naanays loo yaqaan waxanala oran jiray Yey, Allaha u naxariistee waxuu ahaa nin geesi ah, ad’adag, isku kalsoon, xukun jecel, waxuu ahaa nin ciidanka jecel ciidankuna jecelyihiin,waxuu booqan jiray inta badan xeryaha ciidanka, waxuu inta badan ku oran jiray ereyo difaaca dalka ah, waxuu ahaa nin aan raaxa jeclayn waxuuna seexan jiray si wanaagsana ugu gami jiray meel kasta oo ay ku khabsato Danta iyo Duuruuftuba, waxayna raaxadiisa ugu wanagsan ahayd talada oo gacantisa ku jirta iyo dareen la’aan Puntland ka jirta.

Col. Yusuf ma ahayn nin islaweyn oo ismuujiya laakiin waxuu jeclaa in loo aqoonsan yahay Hogaamiyenimadiisa, waxuu ahaa nin og ninka ka hor imaan kara waxuuna ku jeedin jiray xil, laakiin ma ahayn nin ka baqa qof ama Beel oo waxuu s ikalsooni ah u xiri jiray ama u dilijiray darajakasta ha lahaadee, qofka ka hor imaanaya aragtida uu wato taasoo difaacaysa danta Puntland iyo kursigiisaba, ma ahayn nin Qabyaaladeed lagumana xaman jirin, waxaana xasuusta maalintu ka badbaaday qaraxii Baydhabo wariye BBC-da ka tirsana ayaa su’aal uu waydiiyay oo ahayd mudane Madaxweyne qaraxii waxaa la sheegay inuu ku dhintay wiil walaalkaa ah waxuuna ugu jawaabay “Adeer ragga meesha ku dhintay oo dhan walaalan ahayn, laakiin hadaa ka wadid nin kula dhashaa ku jiray waa jidhaa arintasi”, ma ahayn nin yaqaan Musuq Maasuq ama jeeb ku shubasho, waxaanna xasuustaa maalin la yiri Cabdulahi lacagtii kuugu badnayd oo jeeb kaaga gasha intee ahayd, waxuna ku jawaabay  Mushaarkayga markaan biilka ka bixiyo hadba intii iiga soo hadha ayay ahayd.

Col. Yusuf wuxuu ahaa nin dhaqanka ixtiraama oo dhagaysta, laakiin waxuu mar kasta qaadan jiray Arinta isaga u muuqata,waxuuna ahaa nin dadka iyo dalka yaqaan taas oo uu ku miisaami jiray awood qaybsiga, dal aqoonta laftirkeed marka uu dagaal qaado ma ahayn nin cid kale ka caawiso meesha la marayo oo wuu yaaqaanay, ma ahayn nin qosol badan ama furfuran, inta badana ma dhex gali jirin Bulshada, waxuu ahaa nin dagaal yahan ah, ayna ka muuqato hadalo ad-adag ama hanjabaad u eg waxuuna jeclaa ciiddii ay is hayaan inay dagaal ku kala baxaan.

Ma jiro qof wada fiican, dhaliilaha uu lahaana Col. Yusuf waxaa kamid ahaa, waxuu ahaa nin Malatari ah, waxaana la yiraahaa ninka Malatariga ah waa Faras la fuushan yahay hortiisa kaliya ayuu eega Col. Yuusuf-na meesha uu u socdo kaliya ayuu u sahay qaadan jiray, Tusaala ahaan markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya waxuu yimi Puntland waxuuna ka xaystay 8000 kun oo Daraawiishtii Puntland lahayd waana meesha ay Puntland u naafoowday dhul badanna looga qabsaday, Caqiidku kama fakarin Puntland oo uu dhiig badan u soo cabay maxaa xal u ah ee waxuu shiishku u saaraa kursiga dahabiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wakhtigii uu Puntland ka talinayay uma diyaarin doorosha lagu tartamo oo markii sadexdii sano ee ugu horaysay dhamaatay hab doorasho ma qabane waxuu baarlamaanka geeyay xeer wakhtiga loogu kordhiyo taas oo Puntland galisay 4 sano oo dagaal sokaye ah Allaha u naxariistee waxuu ka tagay Col. Yusuf dhaxal weyn.

Intaa waxaa noogu dhamaaday shakhsiyada Col. Yusuf oo aan la wada dhamayn karin balse aan ka soo qaaday aqoon ahaan intaan ka bartay, waxaa inoo xigidoona Gen. Maxamud Muse Xirsi (Gen. Cadde) Illaa aan kasoo Gaarno M Gaas sidaan
idiin balan qaaday insha Allaah.

By Aqoonyahan Cabiqani Dahir Jamac

About The Author