War deg deg: Beesha Harti ee Jubaland oo 7 Xildhibaan looga dhigay
Warar lagu kalsoon yahay oo ay Puntlandes.com ka heshay magaalada Kismaanyo ayaa sheegaya in Kooxdii qaybinaysay Xildhibaan Baarlamaanka Jubaland ee ahaa Axmed Madoobe, Afey iyo Gen Gebre ay u kordhiyeey Xildhibaan ay markii hore siiyeen Beesha Harti ee degta Degaanada Jubooyinka. Wararka ay heshay Puntlandes ayaa ah in ay ka codsadeen Beesha Harti Kooxdii wax qaybimaysay in ay qaataan 7 Xildhibaan halkii ay markii hore ahayd 4 ta Xildhibaan.
Degmada Kismaanyo oo ay Beeshu aadka ugu badan tahay ama ay Majooratiga ay tahay ayaa iminka Xildhibaanada ay ka heshay Beeshu yihiin 5 Xildhibaan halka markii hore ay Kismaanyo ka siiyeen 3 da Xildhibaan.
Wali kuma ay qancin odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beesha Harti tirada Xildhibaanada laga siiyey Baarlamaanka Jubaland iyagoo sheegay in Xaqoodu ka badan yahay 7 Xildhibaan sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay warbaahinta Puntlandes.com.
Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco Puntlandes.com
Puntlandes.com