Sawirro: Qaramada Midoobay oo dowlada Soomaaliya ugu deeqday lacag
09 Aug 2021 (Puntlandes) Qaramada Midoobay ayaa dowlada Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa toddobo malyan iyo labo boqol oo kun oo dollar dowlada Soomaaliya, taasoo ah lacag loogu talogalay arrimaha doorashooyinka dalka.
Xafiiska Ra’isul Wasaaraha XFS waxa uu maanta la saxiixday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 7.2M (Todobo Milyan iyo Labo Boqol Kun oo Doolar ) oo qeyb ka ah Miisaaniyada doorashooyinka dalka.
Yaboohan ayaa fudueyn doono dardargalinta doorashooyinka bilowday iyadoo dowlada federalka ay hore u codsatay in dhaqaale lagu taageero si ay u arrimaha doorashooyinka wax loogu qabto.