Maqaalkii 4ta Madaxweyne/ Nin Noocee ah ayuu ahaa Gen Cadde
Waxaa inoo socday Maqaal aan ugu magacdaray Shakhsiyadda 4 Madaxweyne oo Puntland Jaranjarta Habdoorasho ku fuulay, waxaan soo sheegnay AUN Col C/dulahi Yusuf waxaanna markaan ku xejinayaa Gen Cade Muse:
Shakhsiyadda General Cade Muse Xirsi Boqor Madaxweynihii Hore ee Puntland, marka Hore waxuu laha Naanays ay kawada sinnaayeen 4ta Madaxweyne ee Maqaalku ka waramayo waxaan aloogu yeerijiray Gen Cadde, hadaba aan u gudubno shakhsiyadda Gen Cade Waxuu ahaa Nin Oday Ah Boqor ah Siyaasi ah Nabadda jecel inta badanna Qaadan jiray Talada Dhaqanku Usoo Jeediyaan.
Waxuu ahaa Nin Runsheeg ah inta badanna Ka qosliya Dadka Marka Uu Hadlayo, waxa uu Arin dhaqan ku dhamayn jiray khilaafka beelaha isagoo ku hadlaya Boqornimada Saldanada soo jireenka ah wuxuuna meel iska dhigi jiray Tan Madaxtinimo wakhtiyada uu Galayo Arimaha Khilaaf ee markaas taagan.
Waxa uu inta badan Dusha saarsan jiray Arimaha laysku mariwaayo Sida Magaha ku kala maqan Beelaha is haya ama xaajada markaas laysku mariwaayo waxa lagu dhaahinkaroh. Qofku ma wada Wanaagsana waana Dabeecadda iyo Siffaha Rabi ku Abuuroh Aadanaha Gen Cadena waxuu lahaa dhalliilo ku waas oo inta badan saamayn ku yeelan jiray Maamulidda Dalka iyo Dadka, Xaqiiqo ahaan General-ku waxuu ahaa Nin Aan Dalka iyo Dadka aqoon weyn u lahayn.
Waxuu ku barbaaray koonfurta Somalia gaar ahaan Magaalada XAMAR inta badanna Xilalka waxuu ka hayey Koonfurta Somalia xilligii Dawladdi Malateriga, Burburkii Kadib waxuu aaday Dalka Kanada (Canada) oo uu ku noolaa mudo dheer ilaa 2003, General Cade maaha oo kaliya inuusan issagu Aqoon Dadka laakiin Dadka Ruuxadiisu Aqoon uma lahayn, waxaana Muuqaalka iyo Barashada Cadde kadib Dadku oran jireen kalmad Caan noqotay oo ahayd Cadde macaddee Warkiisaa Cad Taasoo awal sawirka laga haystay ahaa in General-ku yahay Nin Cad, waxayna ku tusinaysaa sida aan laysu aqoon, hadaba Aqoon la’aanta Dadka iyo Dalku Waxay Noqotay in saamayn Weyn ku yeelato Maamulidiisii wadanka Somaalidu waxay ku maahmaahda Dal Aqoon la’aana Waa la habaaba Dad Aqoon la,aanna waa la qadaa.
Taasi waxay Sababtay in Wadanka Lala maamulo General Cade Loona go,aamiyo Arrimo isagu go,aan keeda lahaa maadaama uusan aqoon weyn u lahayn Dalka iyo Dadka, waxaa kale oo dhaliilaha kamid ahaa General-ka oo loo haystay Nin khimrad Ciidan leh oo waddanku uusan Tabi Doonin Col C/lahi Yusuf, maadaama uu u muuqday Nin ay Arimaha Ciidanka khimrad u wada lahaayeen, lkn madhicin oo General-ka Waxaa Barqa cad laga dareersaday Ciidankii Difaaca Dalka sidaan Warbixintii C/lahi Yusuf kusoo sheegay Ciidanka Puntland laga kaxayay waxuu ahaa 8000kun oo Daraawiish ah oo Puntland Cadawgu kaga cabsanjiray.
Tankale General Cade Ma dhisin Ciidan kale oo Puntland loo asaaso marba hadii Ciidankay lahayd iyo Hubkii Subax Koonfur looga Dareeriyay. General Cade iyo Puntlandba waxay Baraarugeen Laba dharaarood oo kala ahaa 2007 Maalintii Si yar loogala wareegay Magaalada Laascaanod oo Magaala madax u ahayd Gobolka Sool.
Dharaar aan saas ugasii fogayn waxay ahayd 2008 Markii Midawgii Maxaakiimta Soogaareen Magaalada Bandiiradlay oo aan saas ugasii Fogaynba Magalada Galkacayo, waxaana la abaabulay dhalinyaro iyo duqayba Taasoo uu General-ku sheegay in loo baahan yahay inlays difaaco oo laga wada qayb qaato dagaalka Maxaakiimta si lamida sidii 1994 labadaas dhacdo Genka waxay ku noqdeen kuwa saamayay masuuliyad ahaan iyo Dorashadii 2009 labadaba dhanka kalena waxay Puntland ku noqdeen kuwa ay la kuftay walina aysan si dhab ah ugasoo toosin.
Isla Xilligii Gen-ka waxaa Abuurmay oo Buuraleyda Galgala ku Maqal korsaday Ururka Al-shabab oo lagu maarayn karay hab Siyaasadeed iyo Meleteriba maadaama arintu bilow ahayd, Gen-ka Waxaa lagu xasuustaa Doorashadii Looga adkaaday ee 2009 inuu si wanaagsan xilka u wareejay dardaaranna u dhiibay Madaxweyne Farole Dardaarankaas oo ahaa inuu Dalka Ciidan u dhisso si ay Puntland cadawga isaga difaacdo dardaarankaas oo u muuqday in dhacdooyinkaan soo sheegnay wali General-ka Maskaxda Sawirkaga reebeen, waxaa intaas inoogu dhamaaday Shakhsiyada General Cade, waxaana inoogu xigi doona Dr Farole ilaa aan kasoo gaarno Prof Gaas oo haatan Talada dalka haya Insha Allaah
By Aqoonyahan Cabiqani Dahir Jamac