Baarlamaanka Puntland oo qaban doono beri doorashada xubnaha Puntland ee u tartamaya Aqalka sare

10 Aug 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Puntland (SEIT), Musharixiinta Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, iyo Dhammaan daneeyayaasha Doorashooyinka Heer Federaal in Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Puntland la qaban doono 11/08/2021.

Maanta ayaa liisku soo baxay maalinta berri ah oo Arbaca ahna waxaa la qabanayaa doorashada Aqalka Sare.

 

About The Author