War deg deg: Gen. Darwiish oo dhabar jabiyey Hartiga Juballand
War lagu kalsoon yahay oo warbaahinta Puntlandes ka heshay magaalada Kismaanyo ayaa waxay sheegayaan in Gen Darwiish uu dhabar jabiyey Hartiga Juballand ka dib markii Axmed Madoobe ugu hanjabay in uu jagada ka qaadidoono waa Wasiirka Arimaha Guduhee.
Gen Darwiish ayaa wuxuu Axmed Madoobe ka soo qaaday lacag farabadan si Hartiga loogu kala qaybiyo isagoo adeersaday Nabadoono uu lacag siiyey nin kastana uu ka dalbaday in uu u soo gudbiyo hal magac oo Beeshiisa ah.
Beelaha uu Nabadoono uu lacagta siiyey isla markaana uu min xildhibaan ugu daray Gen Darwiish ayaa waxay kala yihiin:
- Nabadoon Cabdulahi Bile Siciid (Ciise Maxamuud)
- NabadoonMaxamed Kismaanyo (Cismaan Maxamuud)
- Xuseen Maajoor (Warsangeli)
- Nabadoon Cabdi Xayr (Dhulbahante)
- Xubin (wadalmoge)
- Xubin (reer Maxamuud)
- Xubin (Nuux Maxamuud)
Odoyaashii kale ee Beesha Harti oo uu hogaaminaya Ugaas Xuseen Baqoow, Garaad Cali Aar iyo 14 Nabadoon ayaa waxay qabteen shir jaraa’id wayna kasoo horjeesteen waxa Axmed Madoobe uu Gen Darwiish u soo dhiibay.
Waxaa xusid mudan in odoyaasha Harti oo ku shiraya Hotel Qiilmawaaye uu Gen Darwiish u soo diray Malayshiyo khal khal gelisay amnigii, shirkoodiina laga xiray.
Puntlandes.com