Akhriso Senatorada ku soo baxay doorashada Aqalka Sare qaybta Puntland (Sawirro)

11 Aug 2021 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa Garowe Baaarlamaanka dawladda Puntland waxa uu ku doortay Senatorada Puntland ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

11 ka Senator ee ku soo baxay ayaa kala ah:

1-Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku guuleystay 54 cod, halka Musharax Senator Maxamed Cusmaan Colaad uu helay 11 cod.

2-Maxamed Cali Yuusuf ( Gaagaab) ayaa ku guuleystay Kursiga labaad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 2aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Kawsar Cabdullahi Xirsi ay ka hartay tartanka.

3-Maxamed Cabdi Cismaan ( Majiino) , ayaa ku guuleystay kursiga saddexaad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 3aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Maxamed Geeddi Maxamuud uu ka haray tartanka.

4-Cabdullahi Cali Xirsi ( Tima-cadde) ayaa ku guuleystay kursiga 4aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 4aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Cabdullahi Maxamed Xaashi uu ka haray tartanka.

5-Cabdisamad Yusuf Maxamed ( Abwaan) ayaa ku guuleystay kursiga 5aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 5aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Ismaaciil Mire Muumin uu ka haray tartanka.

6-Daahir Ayaanle Siciid ayaa ku guuleystay kursiga 6aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 6aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Maxamed Cumar Maxamed uu ka haray tartanka.

7-Farxaan Cali Xuseen ayaa ku guuleystay kursiga 7aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa uu noqday Senatorkii 7aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Hodan Isaaq Maxamed ay ka haray tartanka.

8-Seynab Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga 8aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 65 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 8aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Aamiina Jaamac Ibraahim ay ka haray tartanka.

9- Cabdiqani Gelle Maxamuud ayaa ku guuleystay Kursiga 9aad ee Aqalka sare BJFS isaga oo helay 52 cod, halka Cabdiqadir Maxamed Yuusuf uu helay 12 cod.

10- Samiira Maxamuud Xaaji Cawad ayaa ku guuleystay kursiga 10aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 10aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Naciima Axmed Bakar ay ka haray tartanka.

11- Sareedo Maxamed Jaamac ayaa ku guuleystay kursiga 11aad ee Aqalka sare BJFS, kadib markii cod gacantaag ah 64 Xildhibaan ku ogolaadeen. waxa ay noqtay Senatorkii 11aad ee ka soo baxa Puntland, halka Musharaxii kale Fartun Yusuf Jamac ay ka haray tartanka.

Dawladda Puntland ayaa noqonaysa dawladdii u horaysay ee xubinta ka ah DFS oo doorata hal maalin dhamaan 11 ka Senator ee ay ku leedahay Aqalka Sare ee baarlamaanka JF Soomaaliya.

Jubaland ayaa iyadu dooratay 4 kursi waxaana u haray 4 kale, KG ayaa iyana dooratay 5 kursi waxaana u haray 3 kale, xalayna waxaa shaacisay 6 kursi oo lagu tartami doono iyadoo ay u harsan tahay 2 kursi.

Puntlandes.com

About The Author