DHAGAYSO Ugaas Boqow: Beelaha Harti oo sheegay Inay Shirkii Kismaayo isaga baxeen

Ugaas  Axmed Ugaas Siraad Ugaas Xuseen (Ugaas Boqow) Oo Ah Ugaaska Guud ee Beesha Harti ee Jubaland ayaa Sheegay inay Isaga baxeen shirkii Baarlamaanka Jubaland lagu dhisayey ee magaalada Kismaayo ka socday, Ugaaska ayaa ku eedeyey inay ka baxeen cadaalad daro lagu Qeybiyey Barlamaanka kadib.

Ugaas Boqow waxa uu sheegay inay ka Cabanayaan qaabka ay u Qeybiyeen Baarlamaanka Jubaland Isagoo Sheegay inaysan Beesha Harti helin wixii Ay xaqa u lahayeen.

Ugaas Boqow ayaa intaasi ku daray inay Afey iyo Gen Gabre ay Axmed Madoobe la qeybinayeen Baarlamaanka Jubaland ayna faro galin ku sameeyeen xulista Baarlamaanka.

Ugaaska waxa uu sheega inay ku hungoobeen kulan ay Axmed Madoobe kula qateen magaalada Kismaayo oo uu Sheegay inaysan ka qancin xiligani Qaabka Uu maamulka wax u wado.

Ugaaska Beesha Harti ayaa hadalkiisa imanaya xili uu Axmed Madoobe  soo bandhigay liis uu ku sheegay Xildhibaanada baarlamaanka Jubaland

 

Dhagayso qaybta koowaad


Dhagayso qaybta labaad


Puntlandes.com

About The Author