CIIDANKA HAY’ADDA SIRDOONKA PUNTLNAD PIA OO GADOODAY IYO MADAXWEYNE GAAS OO LACAGTOODI LUNSADAY

Ciidanka Hay’adda PIA ayaa gadoodsanaa 3 dii bari oo u dambeeyay waxayna Xarunta Hay’dda ka celiyeen Agaasimaha Cusub ee PIA Abdirisaq Khatumo.

Arintaan ayaa timi kadib markii ay waayeen Mushaarkii bishaan aynnu ku jirro, Dawladda Imaaradka oo maal galisa Hay’adda Sirdoonka u Qaabilsan Dawladda Puntland ee  PIA ayaa Madaxweyne Gaas 10-1-2015, waxuu warqad u diray Dawladda Imaaradka oo uu kaga Codsanayo inay hakiso Lacagta ay ku maalgaliso Hay’adda PIA sababta uu madaxweyne Gaas Arrintaas u samayay ayaa ahayd Xilka Qaadis uu doonayay inuu ku samayo Agasimihii hore ee Hay’adda PIA Kornayl Cabdi Xasan Xusen (Cabdi-yare) oo uu ka cabsi qabay hadii uusan ka joojin Lacagta inuusan Xilka ka Degayn

Diritaanka warqadda kadib madaxweyne Gaas oo xilka ka qaaday Agasimihii hore Waxuu dhaliyay khilaaf Qaatay 2 bilood iyo Bar oo uu Diiday Agaasimihii hore inuu xilka dhiibo ilaa laga bixiyo Daymo Hay’adda lagu lahaa ayaa markii dame xalkeeda dhamayay Raisal Wasaaraha DFS Cumar Cabdirishiid iyo Issimo uu ugu horrayo Islaan Ciise Islaan Maxamed. Dawladda Imaaradka oo tixgalinaysa Codsiga Madaxweynaha ayaa Xanibtay Lacagtii ay ay ku maal galin jirtay Hay’adda Sirdoonka Puntlnad,

Dhamaystirka khilaafka kadib waxaa Dawladda Imaaraadku soo fasaxday 3 Bilood oo ka Xanibnaa Hay’adda waxaase Lacagtaas Lunsaday Madaxweyne Gaas, Lunsashada Lacagtaan ayaana keentay Gadoodka Ciidanka Hay’adda PIA Dadaallo badan oo  uu samaya Agaasimaha Hay’addu waxuu u khudbayay ciidanka isaga oo tilmaamay inuu yahay nin cusub Lacagtana ay ku baxday gacanta madaxweynaha iskusoo wada duuboo Xaaladdaan ayaa wali ah mid aan xal loo helin maadama Ciidankaan oo Mushaarka Qaadanjiray 28 Bisha uu wali ka maqanyahay.

Puntlandes.com

About The Author